Dagaal ay qeyb ka ahaayeen diyaarado oo ka dhacay Afmadow

maalik_som September 2, 2012 Comments Off

Miido: (Sh. M. Network) Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan ayaa Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray deegaanno duleedka ka ah degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Miido, halkaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal muddo socday la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Diyaarado dagaal ayaa la arkayay oo duqeymo la dhacaya goobaha uu ka dhacay dagaalka xooggan.

Lama oga qasaaraha ka dhasay dagaalkaasi, maadaama ay aheyd xilli habeen ah, waxaana saakay lagu soo waramayaa in Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaannadii xalay uu dagaalka ka dhacay.

Jubbooyinka ayaa waxa ay hoy u noqotay dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda, Kenya oo is garabsanaya iyo kuwa Al Shabaab, iyadoo aan la ogaan karin inta badan qasaaraha soo gaaro dadka rayidka ah oo ku sugan halkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter