Kaxda (Sh.M.Network)— Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa wax ay si weyn usoo dhaweeyeen kulankii ay shalay yeesheyn madaxda ugu sareeso Dowladda Soomaaliya iyo Gudiga Amniga Qaranka kaasi oo ay kaga arinsanayeen Xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka .
Dadkaani oo ay saaka shabelle La dhex qaadey cod baahiyaha ayaa waxa ay tilmaameyn in ay muhiim tahay in xili walbo madaxda dowladda ay kawada Xaajoodaan wax ka qabashada amaanka dadka iyo dalka.
Waxay sidoo kale dadkani ugu baaqeyn madaxda Dowladda in ay labo jibaaraan dardargalinta howlaha amaanka oo iyaga waajibka ka saaran sida hadalka ay u dhigeyn.
Soo dhaweytan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili ay shalay kulan wada qaateyn Kusimaha madaxweynaha ahna Gudoonka sare ee baarlamaanka Prof Jawaari , Ra’iisulwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr.Saacid iyo gudiga amniga qaranka kulankaasoo ay kaga arinsanayeen wax ka qabashada falalaka Amni daro ee mararka qaar ka dhaca Gobolka Banaadir.























Comments are closed.