Dadka ku dhaqan deegaanka kaxda oo xakaar ku qaba Rag kulabisan dareeska ciidamada dowladda oo dhac ka geesta deegaankaasi

maalik_som December 8, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Dadka ku nool deegaanka kaxda ee duuleedka Magaalada muqsisho ayaa xiligani waxa ay ka cabanayaan rag ku lebisan dareeska ciidamadda dowalada oo dhibaato ku hayo dadkaasi

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka kaxda oo la soo xiriiray idaacada shabelle ee Magaalada Muqsiho ayaa waxa uu sheegay in ay ka cabanayaan ragaasi ku lebisan dharka dowlada kuwaasi oo uu tilamaamay in xiliga habenkii ay ka qaataan taleefanada gacanta  iyagoo sidoo kale jabsada dukaamada ku yaala degaanka kaxda ee duleedka Magaalada muqdisho

Dadka ku nool deegaanka Kaxda ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay  Madaxda dawladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan ragaasi ee dhibaatada ku haya deegaanka Kaxda , iyagoo dhinaca kalana ka codsaday in deegaankaasi la keeno ciidamo suga ammaanka  isla markaana wax ka qabta raga ku lebisan dharka ciidamadda dawladda ee dhaca ugeesta Shibilka.

Maalmihii dambe waxaa isi soo tareysay cabashada ka soo yeeraysa dadka ku nool deegaanka Kaxda kuwaasi oo ka cabanayey raga ku lebisan dharka ciidamada dawlada ee dhaca u gaysanaya  dadkaasi rayidka ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter