Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Kaxda Oo Cabanaya Rag Ku Labisan Direeska Ciidanka

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Kaxda (Sh.M.Network)— Dadka ku dhaqan deegaanka Kaxda ee Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan waxa ay ka muujiyeen rag ku labisan direeska ciidanka Dowlada soomaaliya oo xalay halkaasi dil iyo dhac ugu geestey dadku ku sugan Deegaankaasi.

Qaar ka mid ah wax garadka ku dhaqan deegaankaasi oo la Hadley idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in ragaan ku labisan direeska ciidanka Dowladda ay dhac ka geysteen dukaamo ku yaalo halkaasi iyagoona qaatey dhamaan hantidii halkaasi taaley.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ragaasi ay qaateyn mobileda gacanta lagu qaato waxayna dil u geesteen haweeney ka mid ah dadka deganaa deegaanka kaxda iyagoona ugu dambeyn baaq u direy madaxda ugu sareesa dowladda iyo haya’adaha amniga in ay wax ka qabtaan kooxahaasi ku labisan direeska ciidamada dowladda oo mar walba dhac u geesta dadka shacabka ah.

Inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dadka shacabka ah waxaa dhibaatooyin ugu geesta rag ku labisan direeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo aan laga qaadin talaabooyin ku aadan wax yeelada dadka shacabka ah u geestaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter