Kismaayo: (Sh.M.Network) Kooxo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dad rayid ah ku dileen gudaha Magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Kooxo ku hubaysan Bastoollado oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab ay 3-ruux oo rayid ahaa ku dileen gudaha Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
“Saakay ayaa hal qof ayaa la dilay 2-kale Duhurkii maanta ayaa la dilay, waxay ku hadlayeen Taleefoonnada gacanta ee Mobile-ka, waxay soo dhaweynayeen ka bixitaanka Al Shabaab ee Kismaayo” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugan halkaasi.
Gudaha Magaalada Kismaayo waxaa lagu arkayaa maanta Maleeshiyo si gooni ah u hubaysan, iyadoo aan la aqoon cidda ay ka amar qaataan, waxaana lagu soo waramayaa in dadka shacabka ay yihiin kuwa wali ku xoomaya Xafiisyada Al Shabaab ay ku lahaan jireen gudaha Magaaladaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan ee Magaalada Kismaayo in Xaaladdu ay tahay mid cakarin, halkaasina wali ay ka jiraan saan saan colaadeed.























Comments are closed.