Dad Rakaab ah oo lagu dilay deegaanka Qardho

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Qardho: (Sh. M. Network) Deegaanka Qardho oo u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan gobolada Bay iyo Sh/hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Kooxo hubaysan ay wadada u galeen gawaari nuuca Isku roga ah kaasi oo ay ku fureen rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle in gaariga oo marayay deegaanka Qardho ay kooxaha rasaas oodda kaga qaadeen islamarkaana halkaasi ay ku geeriyoodeen labo ruux halka ku dhawaad 10-kalena ay ku dhaawacmeen.

Gaariga ayaa la sheegay in uu kasoo amba baxay Magaalada Baydhabo  islamarkaana uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay wadada u galeen burcaddaasi  oo la sheegay inay doonayeen inay dhac u gaystaan gaariga sid aan wararka ku helayno.

Kooxaha Burcadda ah ayaa isaga baxsatay goobta uu falka ka dhacay, waxaana dadkii ku dhaawacmay rasaastaasi loo soo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho halkaasi oo iminka lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Muddooyinkii dambe ayaa darawallada ka howlgasha gobolada dalka waxa ay ka cabanayeen kooxo bucad ah oo ay kala kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil, dhac, hanjabaad iyo waxyaabo kale, iyagoo dowladda ka dalbaday inay wax ka qabato dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter