Muqdisho-(Sh.M.Network)—Howlgalkani oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Degmada Waaberi ayaa waxaa lagu soo qabtay dad badan oo lala xariirinayo Dil xalay Degmadaasi loogu geystay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo kamdi ahaa Abwaanada Soomaaliyeed iyo waxyaabo maanka dooriyo.
Saraakal ka tirsan Booliska Degmada ayaa Shabelle u sheegay in dadkan lasoo qabtay lagu tuhunsanyahay inay ku lugleeyihiin dilalka iyo falalka ka dhanka ah amaanka.
Dadka lasoo qabtay ayaa waxa uu sarkaalkaan sheegay inay ku socdaan baaritaano ciddii ku cadaato fal denbiyeedyada lala xariirinayo sharciga lahorgeyn doono halka ciddii lagu waayo wax denbi ahna la iska deyn doono sida uu hadalka u dhigay.
Inta badan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo qabtaan dad bdan howlgalada ay ka sameeyaan Muqdisho, waxaana weli jira Qatar dhinaca amaanka ah, iyadoo dhacdadii ugu danbeysay ay ahayd dilkii xalay loo gestay Abwaan Waesame Shire Cawaale oo kooxo hubaysan ay ku toogteen gurigiisa hortiisa oo ku yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.



















Comments are closed.