Muqdisho: (Sh. M. Network) Dad shacab ah ayaa ku waxyeeloobay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kaddib markii uu kusoo dumayay Guri ay dhisayeen.
Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii uu kusoo dumay Guri ay dhisayeen dadkaasi oo ku yaalla degmada Waaberi sid ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah.
Sido kale dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkaasi aysan hellin gurmed ku fillan, hase ahaatee dadka dariska ay la gaareen gurmed islamarkaana laga soo saaray Guriga ku dumay, inkastoo uu hal qof ku geeriyooday halkane uu ku dhaawamay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ku aaddan sababaha keenay burburka dhismaha.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo























Comments are closed.