Baydhabo: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo iskaashanaya ayaa maanta ku baxay inta Xaafadood oo ay ka kooban tahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyagoo howlgallo ballaaran oo qorsheysan oo ay ka sameyeenna kusoo qab qabtay waxyaabaha qarxa.
Taliyaha Ciidamada booliska Dowladda Federalka ee gobolka Bay Kornel Mahad C/raxmaan oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabkii howlgalladaasi ay u sameeyeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia, isagoo xusay in lagu soo qab qabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in hub iyo waxyaabo qarxa lagu soo qab qabtay howlgallada, waxaana uu carabka ku dhuftay in howlgallada ay ahaayeen kuwa lagu baahiyay duleedyada Magaalada Baydhabo sida uu hadalka u dhigay.
Kornel Mahad C/raxmaan ayaa ballan qaaday in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgalladaasi illaa laga xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi, islamarkaana shacabka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan howlgallada, ayna soo sheegaan wax waliba oo falal ammaan darri ka abuuri kara gudaha Magaaladaasi.
Baydhabo oo qiyaastii Muqdisho u jirta 247-KM ayaa hadda waxa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, waxaana gudaha Magaalada ka dhaca mararka qaar dilal qorsheysan iyo qaraxyo loo maleego Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.























Comments are closed.