Adisa-Ababa(Sh.M.Network)—Toban Nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay dambi ku helay Maxkamad ku tallaa dalka Ithopiya taasi oo sheegtay in ay Maleegayeen fal ammaanka Caqabad ku ah oo ka dhici lahaa dalkaasi.
Qareenada Maxkamadda ayaa tilmaamay in raggaan lagu helay dambiyo argigixiso islamarkaana Xukunkooda uu dhici doono bishaan 15keeda.
10ka Nin ee dambioga lagu helay ayaa lix ka mida dacwadda lagu soo oogay iyaga oo aan Maxkamadda Xaadir ku ahayn.
Raggaan tuhunadda ay qabteen ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Macallimiin Duruusta Diinta Islaamka ka bixisa Dalka Ithopiya waxaana qaarkood la sheegay in ay ka soo Jeedaan dalka Kenya iyadoo tuhunadda raggaan laga qabo ay imaaneyso xilli Xukuumadda Adis-Ababa ay ka feejigantahay iskuday Ururka Al Shabaab ay fadhiyo uga sameysanayaan Koonfurta dalkaasi ithopia























Comments are closed.