Muqdisho ( Sh.M.Network) Iyadoo Maanta ay ahayd 2 Febaury islamarkaana ladoonayay in Maxkamad la soo Taago Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto ayaa Maanta Markii ay billaabatay qaadista dacwadda Cabdi Casiis Koronto iyo 4 Kaloo eedeysanayaal ah oo lagu soo eedeeyay in dambigiisa ay Lug Ku lahaayeen.
Kadoodista Waxyaabaha lagu heesto Cabdi Casiis Koronto ayaa dheeraatay kadib Markii dood dheer ay dhexmartay Qareenada u dooodayay Wariyaha iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taas oo keentay in Maxkamaddu ay ku dhawaaqdo in dib Loo dhigayo qaadista dacwadaasi.
Maalinta talaadada oo ay ku beegantahay Taariikhda 5 bisha Febraayo 2013 ayaa lagu wadaa in Markale la isugu soo noqdo dacwad qaadista eedeymahaan Loo haysto Wariye Koronto iyo dadka la Xiran.
Dhinaca Kale Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Max’ed Ibraahim Baakistaan oo Warbaahinta Kula hadlay Afaafka Hore ee Maxkamadda ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Wariyeyaasha Soomaaliyeed sida ay ugu heelanyihiin in ay Goob Joog ka ahaadaan qaadista dacwadda Wariye Cabdi Casiis Koronto isagoona ku dhiira Galiyay Saxafiyiinta howsha ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed ugana Baaqay in halkooda ay ka sii wadaan howshooda.























Comments are closed.