Boosaaso ( Sh.M.Network) Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku soo waramaya in dabley Hubeysan ay Magaaladaasi Ku dileen Suldaanka Beesha Ugaar Saleebaan ee Majeerteen.
Goob Joogayaal Shabelle Lahadlay ayaa sheegay in Kooxihii dilka Geystay ay Goobta isaga Baxsadeen Majirto wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta ammaanka Maamulka Puntland ay Kaga warbixinayaan dilka Loo geestay Suldaankaasi.
Sulaanka Dilka Loo geestay ayaa Lagu Magacaabaa Suldaan Muuse Faarax ( Onkod ) iyadoo aan La ogeen sababaha dilkiisa Ka dambeysay.
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi Laga helayo ayaa tibaaxaya in Howl Gallo Ba’an ay Ciidamada Maamulka Puntland Ka sameynayaan Xaafadaha ka ag dhow halka uu dilku ka dhacay























Comments are closed.