Muqdisho : (Sh. M. Network) Maanta, waa maalin ku weyn Umadaha Islaamka meel waliba oo ay joogaan, waana maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana dabaal daga Munaasabadda Ciidul Fidriga laga dareemayaa Dhamaan Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Saakay Markii la duktay Salaadda Ciiddul Fidriga ayaa waxaa mar qura dadka shacabka ay siyaabo kala duwan uga dareereen goobo kala duwan, haddii ay ahaan laheyd Qaraabo Salaan iyo Hilow ay isku qabaan dad isku weyn oo muddo kala maqnaa.
Mar aan socod indhe indheyn ah ku maray Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay indhaheygu qabteen Gawari yar yar iyo kuwa Bl-da oo dad la ciir ciiraya iyo Rag iyo Dumar oo qaarkood gacmaha ka sita Caruur aad u labisan oo haysata Agabyada loogu talagalay Maalinta Ciidda ah.
Qaar ka mid ah Caruurta oo maanta u tamashleynayay Munasabadda Ciiddul Fidriga, Wajiyadooduna ay ka muuqdeen farxad aan lasoo koobi karin, ayaa waxa ay u sheegeen Idaacadda Shabelle Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho inay Ciidayaan islamarkaana aysan shaki ku jirin in ciiddaani ay ka duwan tahay Ciidaihii muddooyinkii lasoo dhaafay soo maray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Reer Muqdisho kaliya kuma koobna dadka u dabaal dagaya Ciiddul Fidriga, hase ahaatee waxaa jira dhalinyaro u socota koox koox oo qaarkood ka yimid dalka dibaddiisa, haddaba waakan mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo ii sheegay in uu ka yimid Magaalada London ee Carriga waddanka Ingiriiska kaasi oo muujinaya dareenkiisa farxadeed ee ku aaddan munaasabadda Ciiddul Fidriga.
Damaashaadka Ciidda iyo Munaasabadda ayaa ah mid aan loo kala haran oo Caruur iyo Cirooleba ay ka wada qeyb qaateen. Waxaana qeyb ka ah Waalidiin iyagu qaarkood ka yimid dalka dibaddiisa, sida uu Shabelle u sheegay mid ka mid ah Waalidiintaasi oo ka yimid dalka Sacuudi Carabiya.laguna magacaabo Max’ud Nuur Cumar.
Ciiddaani ayaa ka duwan Ciidihii soo maray Magaalada Muqdisho marka loo eego sanadihii tagay, waxaana xusid mudan in habeenkii xalay ahaa uu soo bilowday u dabaal dagidda Munaasabadd Ciiddul Fidriga.























Comments are closed.