Kismaayo: (Sh. M. Network) Boqolaal dad weyne ah iyo Gaadiidka nuuca dabdamiska ah ayaa ku howlan daminta Dab barqonimadii maanta ka kacay Suuqa Weyn Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Dabka oo wali ka soconaya Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu si aad ah u sameeyay Kaalinta Shidaalka ee Suuqaasi, waxaana baa ba’ay inta badan Shidaalkii lagu iibinayay halka dabka uu ka kacay.
Magaalada ayaa waxaa dhexmaraya Gaadiid lagu soo rakibay cod baahiyeyaal islamarkanaa shacabka loogu baaqayo inay ka qeyb qaataan daminta Dabka ka kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Kismaayo.
Waxaa gabi ahaamba bas beellay Shidaal tankiisa uu aad u badan yahay kaasi oo ku jiray Dabaq weyn oo ku yaalla gudaha Suuqa weyn ee magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Macadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in dabka baa bi’yay qeybo ka mid ah Suuqa Magaalada Kismaayo uu ka kaco halkaasi, hase ahaatee waddanka Soomaaliya oo ah waddan muddo 21-sano ay ka jireen colaado waxaa kusoo laab laabtay Suuqyada waaweyn ee ku yaalla dab aan kala harlaheyn oo inta badan saameyn ku yeesha ganacsatada meherada ku leh Suuqyadaas.























Comments are closed.