Balad-Xaawo: (Sh.M.Network) — Dab xooggan oo gaystay qasaaro hantiyadeed ayaa waxa uu ka kacay Suuq ku yaalla Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa warkaani u xaqiijiyay dadka deegaanka ah, iyagoo sheegay in dabka uu ka kacay ugu horeyn Maqaaxi ku taalla bartamaha Suuqa degmada Balad-Xaawo, iyadoo intaasi kaddib uu ku fiday Suuqa iyo Guryo ka agdhawaa halkaasi.
Ku dhawaad 50-guri oo ay ku jiraan goobo ganacsi ayaa ku basbeelay, waxaana dabkaasi uu socday muddo saacado ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah.
Maamulka degmada Balad-Xaawo ee Dowladda Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in gurmed ballaaran ay sameeyeen islamarkaana lagu guuleystay in la dambiyo dabka, inkastoo uu gaystay qasaaro hantiyadeed.























Comments are closed.