Gaarisa: (Sh.M.Network) Dab qasaaro gaystay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka kacay Xarunta la dagaalanka aargigixisad ee Woqooyi bari dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Woqooyi bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu dab ka kacay Xarunta la dagaalanka Aargigixisada gaar ahaan wax yar u jirta Saldhigga Booliska ee Magaalada Gaarisa.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dabkaasi uu ka dhashay qasaaro hantiyadeed islamarkaana uu socday saacado badan, waxaana ay sheegeen in muddo kaddib halkaasi ay gaareen Saraakiil iyo Ciidamo Kenyan ah oo ku guuleysan waayay inay dambiyaan.
Dabkaasi ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyay intii uu socday dabka dadka deegaanka ah oo ka cabsi qabay in uu saameyn ku yeesho Xaafadaha ka agdhow halka uu dabka ka dhacay. Lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in uu dab ka kaco Xarunta la dagaalanka aargigixisada ee ku taalla Magaalada Gaarisa ee Woqooyi Bari dalka Kenya.
Ma’ahan markii ugu horeeyay oo uu Xarun Ciidan ka kaco dab qasaaro gaystay, hase ahaatee saakay ayaa lagu soo waramayaa in Saraakiisha Ciidamada Kenya halkaasi ay ka wadaan baaritanno iyo waxa dhaliyay dabkaasi.























Comments are closed.