Cyrus Oguna: Waxaan la wareegnay Xaafado ka mid ah Kismaayo

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay la wareegeen dhowr Xaafadood oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kale Al Shabaab ay beeniyeen la wareegitaanka Ciidamada Kenya ee Kismaayo. 

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Cyrus Oguna oo ka hadlay howlgallada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay qeybihii ugu dambeeyay ee Magaalada ay kula dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday in Ciidamadooda ay gudaha u galleen Kismaayo. 

Cyrus Oguna ayaa waxa uu sheegay in howlgalka uu ahaa labo qeybood islamarkaana uu isugu jiray howlgalka dhulka iyo cirka ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in saakay waaberigii uu dagaalka ka bilowday qeybo ka mid ah Magaalada Kismaayo kaddib markii ay si xeeladaysan weerar u qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

“ Suurta gal iima ahan haatan inaan ka hadlo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladii saakay, laakiin waxaan idin sheegi karaa in Ciidamadeena ay dhex joogaan Magaalada Kismaayo” sidaasi waxa yiri Cyrus Oguna.

Dhinaca kale Afhayeenka howlgallada ee Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacad ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya riyo ay tahay inay qabsadaan Kismaayo islamarkaana Ciidamada Al Shabaab ay wali ku sugan yihiin Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Labadii habeen ee ugu dambeysay ayaa duqeymo xooggan Maraakiibta dagaal iyo diyaaradaha Kenya waxa ay ku garaacayeen Dekadda Kismaayo gudaha Magaaladaasi, iyadoo la sheegay inay ku bartilmaameedsadeen Xarumo ay Al Shabaab u yaallay hub iyo Saanad Militari.

Comments are closed.

Facebook

Twitter