Muqdisho ( Sh.M..Network ) – Cumar Jamaal oo ka mid ah Xubnaha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo la hadlayey Warbaahinta ayaa Dowladda Kenya ku eedeyey in faraha kula jirto Arimaha Soomaaliya isagoona sheegey in dowladda kenya Qaramada Midoobey ay ka codsatey in la Qaado Xayiraada Saaran Dhuxusha si looga dhoofiyo Dekada Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose .
Cumar Jamaal ayaa xusey in Dowladda Kenya aysan heleen in sidii ay doonto ka sameesato arimaha Soomaaliya Waxa uuna arin layaab leh ku tilmaamey in Dowladda Kenya Qamada midoobe ka codsato in la Qaado Xayiraada saaran dhuxusha waxa uuna dowlada kenay ugu baaqey in faraha kala baxdo Arimaha Soomaaliya .
Hadalka Cumar Jamaal ayaa imaanaya Xili Maalmihii la soo dhaafey Muran uu ka taagnaa in Xayiraada laga qaado Dhuxul ku Xayiran Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose .























Comments are closed.