Cumar Jacfaan:Degmada Hurwaa waa Nabad

maalik_som December 10, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Guddoomiyaha Degmada Huruwaa ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdulle jacfaan oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay wax ka qabteen falalka ammaan darri ee ka jiray Degmadaasi Hurwaa islamarkaana ay xaqiijiyeen ammaanka Degmadaasi

Guddoomiyaha Degmada Hurwaa ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in laqaaday Jidgooyooyinkii yaalay gudaha degmadaasi ee lacagaha looga qaadayay Gaadiidka ka dhex shaqeeya Degmada Hurwaa isagoo intaasi ku daray in wax lacag ah aan laga qaadin Gaadiidkaasi

Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu tibaaxay in Degmadaasi Howlgallo joogta ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka Degmada Hurwaa ay kawadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalladaasi oo uu sheegay in ay ku soo qabten dad caraqaladeynayay ammaanka Degmadaasi

Maalmihii dambe ayaa waxaa howlgallo ballaaran laga dareemayay gudaha Degmada Hurwaa kuwaasi oo lagu soo qab qabanayay dad lasheegay in carqalado dhanka amniga ay ka sameynayeen degmadaasi

Comments are closed.

Facebook

Twitter