Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Ciiddul Fidriga kaddib waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya marxaladda dalka gaar ahaan Doorashada Madaxtinimo ee la fillayo inay ka dhacdo Soomaaliya, Xildhibaanad cusub ee barlamanka iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Cumar C/rashiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan xaqiijinta ammaanka dalka, maadaama la fillayo in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Madaxtinimo.
Mr. Sharmaake ayaa waxa uu ugu baaqay Ciidamada Xoogga dalka inaanay faraha la gallin Loolanka Siyaasadeed ee loogu jiro Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya, balse looga fadhiyo gudasha waajibaadka ka saaran ammaanka dalkooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ka gudubka Xilliga Kumeelgaarka ah, iyo in la helo Dastuurka cusub oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed taasi oo uu xusay inay aas aas u aheyd Xukuumaddii uu horboodayay.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub ee barlamanka looga fadhiyo inay soo doortaan shaqsi u qalma Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, dalkana ka saara marxaladda adag oo uu xilligaani marayo.






















Comments are closed.