Cudurka Shubiyoodka oo ka dilaacay Deegaanka Hosingo

maalik_som September 6, 2012 Comments Off

Caabud-waaq: (Sh. M. Network)  Wararka ka imaanaaya degaanka Hosingo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo soo ritay tiro dad ah oo isugu jira Caruur iyo waayeello. 

Guddoomiyaha deegaanka Hosingo Aadan Ibraahin oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay in dad badan uu soo ritay Cudurkaasi, haatanna ay la il daran yihiin, isagoo xusay in xalay deegaanka ay ku geeriyoodeen labo ruux oo qabey cudurkaasi, maadaama aysan hellin wax daryeel ah. 

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha in deegaanka Hosingo uusan la heyn wax daawo ah iyo goobo Caafimaad, oo marka xaaladdaani oo kale ay imaado lagu bax naaniyo dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay. 

Cudurka shuban biyoodka ayaa ah cudur dilaa ah, waxaana xusid mudanin hadda goobaha uu ka dilaacay ee Jubbada hoose aysan ka jirin wax daryeel Caafimaad ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter