Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacey Degaano Hoos Taga Degmada Afgooye

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Afgooye (Sh.M.Network)— Afgooye  (Sh.M.Network)— Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in saacidhii ugu dambeeyey uu ka dilaacey cudurka Shuban biyoodka cudurkaasi oo ka dilaacey Deegaano ka tirsan Degmadaasi sida Baalguri , are Maah , iyo Jambaluul.

Dr.Aweys Cabdulaahi cumar ( Aweys Bulalow ) oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee ka holwgala isbitaalka bulalow Flaunty Hospital ayaa shabelle u sheegey in cudurkaasi uu malain waliba sii kordhayo tirada dadka ee uu soo ridanayo.

Dr. Aweys Cabdulaahi cumar ( Aweys Bulalow ) ayaa hoosta ka xariiqey in isbitaalka guud ee degmada Afgooye uusan shaqeynin tan iyo marki alshabaab laga saarey degmadaasi hasa haatee waxa uu xusey in Degmada haatan ay ka shaqeeyaan Goobo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay taasi oo uu xusey in ay ku adagtahay dadka danta yare ee aan waxba haysan .

Dr. Aweys Bulalow  ayaa xaqiijiyey in saacidihii ugu dambeeyey ay cudurkaasi u geeryoodeyn dhowr ruux halka tiro kalena ay la il daran yihiin cudurka Shuban Biyoodka.

Degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose ayaa inta badan deegaanada hoostaga waxaa ay ku teedhsan yihiin nawaaxiga webiga shabelle waxaana inta badan ka dilaacaan cuduro ay ugu horeeyaan shuban biyoodka iyo Maleeriyada.

Marka La Eego Xaalada Dadka ku nool Degmada Afgooye ayaa ah mid aad u daran marka aad fiiriso xaalada caafimaad eek u taagan degmadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter