Muqdisho(Sh.M.Network)—Wararka laga helayo deegaanno dhowr ah oo hoostaga deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in cudurka shuban biyoodka uu ka dillaacay kaasi oo fara ba’an ku haya dadka ku dhaqan tuulooyinka Dudumo Gaduud, Madax Maroodi ,Sahan weyn , Saaha Yarey iyo deegaanno kale sida Yaaq bari weyne iyo Yaaq Doomaar.
Illaa 7 qof ayaa la xaqiijiyay in cudurkaasi ay ugeeriyoodeen tiro intaa kabaddanna ay weli la ildaranyihiin Idaacadda Shabelle oo isku dayday in wax badan ay ka ogaato Cudurkaasi Shuban Biyoodkaa ee ka dillaacay Deegaannadaasi hoostaga Gobolka Sh/Hoose ayaa dad deegaanka waxa ay noo xaqiijiyeen Deegaannadaasi aan kor ku soo xusnay in ay yihiin kuwa ugu kulul Gobolkaasi iyaddoo xilliyadaan oo kalana looga bartay in uu ka dillaaco Cudurkaasi Shuban Biyoodka ah
Dhinaca kale Majiro wax Xarumo Caafimaada oo ka jira deegaannadaasi aanu soo sheegnay marka laga soo tago deegaannada kale ee Gobolkaasi oo haatan lagula taacalayo dadkaasi la il daran Cudurka Shuban Biyoodka.
Qoysas Caruurtooda ay aad ula liitaan Cudurkaasi oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa ugu baaqay Hey’adaha Caafimaadka ,Madaxda dowladda iyo inta daneysa Xaaladaha dadkaasi in ay gurmad Samafal Caafimaad oo deg dega lasoo gaaraan dadkaasi haatan latiicaya Cudurkaasi Shuban Biyoodka























Comments are closed.