C/raxmaan C/shakuur: Shacabka Niyadda ha isku furaan Ciidda

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

Muqdisho : (Sh. M. Network) Siyaasiyiinta Diyaraysa Hambalyada Ciiddul Fidriga Maalinteeda Koowaad ayaa waxaa qeyb ka ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ugu tahniyadeynaya bilshada Cidda Soon-fur. 

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku wada ciidaan si farxad leh, isagoo sheegay in si loo helo shacab Soomaaliyeed oo farxad ku wada ciida loo baahan yahay dhisidda qaran Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay. 

Ugu  dambeyn Musharaxa C/raxmaan C/shakuur ayaa kula dar daarmay shacabka Soomaaliyeed, lagama maarmaannimada dhisidda jawi Nabadeed oo ka duwan midka haatan jira, si Bulshada Soomaaliyeed si isku mid ah oo farxadi ay ku jirto ay ku wada ciidaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter