Muqdisho: (Sh. M. Network) C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu mar kale ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Dowladda ku takri fal uu sheegay inay ku wadaan hantida qaranka oo ay u isticmaalaan ololaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Musharaxa ayaa ka dalbaday Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya in uu magacaabo Guddi si gaar ah ula socda dhaqalaha dalka inta ay doorashada socoto sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in lala socdo Hanida qaranka oo uu sheegay inay tahay hanti guud, hase ahaatee uusan laheyn shaqsi gaar ah, isagoo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dalkaani lagu hoggaamiyo daacadnimo.
Hadalkaani ayuu Musharaxa C/raxmaan Cabdi Shakuur ka sheegay Fadhi ay isugu yimaadeen Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo Musharixiinta ay ku jeedinayeen qudbadahooda iyo waxa ay qaban doonaan haddii ay ku guuleystaan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.























Comments are closed.