Muqdisho: (Sh. M. Network) Xilli Magaalada Muqdisho maalmihii dambe ay kusoo badanayeen Musharixiinta isu soo taagaysa qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho isu soo sharaxay Ganacsadaha Caanka ah ee C/qaadir Cosoble Cali.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanadii hore ee barlamanka, kuwa hadda iyo Masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kala duwnaa ee soo maray Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka iyo bar baarta Gaashaaman.
C/qaadir Cosoble Cali ayaa munaasabadda waxa uu kusoo bandhigay waxqabdkiisa haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu wax ka qaban doono cadaaladda iyo horumar islamarkaana sheegay in uu ka dhabeyn doono wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka
Dhica kale musharrax C/qaadir Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in qoondada Haweenka Soomaaliyeed uu usoo dhicin doono islamarkaana ay heli doonaan xaqa ay ku leeyihiin Maamulka dalka, isagoo sidoo kale sheegay in uu dhisi doono ciidanka qalabka sida ee uu lahaa dalkeena Soomaaliya.
Ugu dambeyn Musharraxa ayaa ku nuux nuuxsaday in uu wax badan ka qabandoono arrimaha Caafimaadka, isagoo carabka ku adkeeyay in Muwaadin Soomaaliyeed aan daryeel Cafimaad loogu qaadi doonin dalka dibaddiisa.
































Comments are closed.