|
Madaafiic xoogan oo Caawa ku dhacday Xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.
Fiidnimadii Caawa ayaa mar qura waxa ay tiro Madaafiic ah ku soo dhaceen qeybo badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ay Madaafiicdaasi sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Inta la ogyahay 2-ruux oo rayid ah ayaa ku geeryootay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir halka 4-kale ay iyana ku dhaawacmeen Xaafada Siinaay ee degmada Wardhiigleey kadib markii Madaafiic habow ah ay ugu tageen xaafadahooda sida ay Shabelle u xaqiijieen dad goob joogayaal ah. Sidoo kale 6-qof ayaa ku dhaawacantay Madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacday agagaaraha Isgoyska Howlwadaag iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida uu Shabelle u sheegay Cali Muuse oo kamid ah Saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg deg ah. Macada qasaaraha dhabta ah ee Madaafiicdii Caawa ka soo gaaray dadka rayidka ah maadama xilligu uu yahay xilli habeen ah, waxaana suuro gal ah in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaray dadka rayidka ah uu intaasi ka badanyahay. Inta badan Madaafiicda ku dhacda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa qasaaraha ugu badan waxa uu ka soo gaaraa dadka rayid ah ee aan waxba galabsan iyadoo xaalada dadka maatida ah ee Soomaaliyeed ay iminka marayso alow sahal. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |















