SHABELLE
Dagaal la is riiriixay oo galabta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Muqdisho :(Sh.M.Network) Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo kuwa dowlada KMG oo garabsanayay ciidamada AMISOM ayaa galab ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo ay bar bar socdeen madaafiic culus ayaa galabta ka qarxay degmada Shibis ee gobolka Banaadir halkaasi oo dhawaan qeybo ka mid ah ay la wareegeen Ciidamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab, waxaana dagaalku uu bilowday sida la sheegay markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen fariisinkii halkaasin ay ku lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka labada dhinac ay  isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana goobaha ay lagu dagaalamayay laga maqlayay dhawaqa hubka cul culus iyo madaafcii farabadan, waxaana ay intaasi ku dareen in labada dhinac ee dagaalamayay marba qolo la riix riixayay walow markii dambe Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dib ugu soo laabteen Fariisimahoodii.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 4 qof iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale oo uu ku jiro wariye ka tirsan Idaacada Banaadir laguna magacaaboa Xasan Laki kaasi oo la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid fudud.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay arkayeen Taangiyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo ay ka bar bar dagaalamayaan ciidamada AMISOM oo lug ku socday iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana dagaalka Maanta uu saameeyey degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, C/casiis, Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali dheere oo bahda warbaahinta qadka taleefanka ugu waramayay ayaa sheegay in galabta weerar lagu soo qaaday fariisin ciidamadoodu ay ku lahaayeen degmada Shibis ee gobolka Banaadir isagoo intaasi ku daray in ay iska caabiyaal islamarkaana ay qasaare u geysteen.

Majiro dhinaca kale wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda kMG ee Soomaaliya  oo ku aadan dagaalka galabka ay ku qaadeen fariisinka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ku leeyihiin degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Dagaalkii galabta ayaa waxa uu daba socdaa dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku heysteen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya ciidamada AMISOM ee  ku sugan Magaalada Muqdisho.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Wasiirka Jaaliyadaha oo Gariiga Tagay.

News image

Wasiirka Jaaliyadaha Dowlada Soomaaliya C/laahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa Boqolaal kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Giriiga kula hadlay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay taasoo ka dhacday Xarunta ...

Xarakada M. Al Shabaab oo daawo ku gubay

News image

 Muqdisho: (Sh.M.Network) Maamulka Xarakada Mujaahidinta Al Shabaab ee gabolka Hiiraan ayaa maanta meel fagaaraha oo ku taala galbeedka magaalada Baladweyne waxa ay ku gubeen daawooyin ay sheegeen iney dhaceen islamarkaana ay...

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shaba

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa dad barakacayaal ah u qeybiyay raashin WFP ugu xareysna degmada Masagawaa.  Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobalka Galguduud ayaa maanta raashan ...

Kulan ka dhan ah burcad badeeda Soomaali

News image

Boosaaso: (Sh.M.Network) kulan ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo waxgarad islamarkaana looga soo horjeeday burcad badeeda Soomaalida ayaa maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Nabadonada iyo Maamulka G.Bari oo isku r

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Waxgaradka iyo nabadoonada gobolka Bari iyo Maamulka Puntland ee gobolkaasi ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Boosaaso waxaa ay isku raaceen in la joojiyo musaafurinta lagu hayo...

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii Buuhoodle

News image

Buuhoodle: ( Sh.M.Network) Waxaa isasootaraya Qasaarihii ka dhashay dagaaladii shalay ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyadoo xaalada degmadaasi saakay ay tahay mid dega...

Al Shabaab oo wiil iyo gabar ku karbaash

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka fuliyay xukun isugu jira garbaash, iyo masaafurin ay ku fuliyeen wiil iyo gabar ay s...

Madaxweyne Shariif oo Kenya kulamo kula

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya waxaa uu kulamo kula qaatay xubno ka tirsan masuuliyiinta beesha Caal...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Kooxo burcad ah oo gaari ku rasaaseeyay

News image

Baladweyne (Sh. M. Network) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kooxo burcada ay risaaseeyeen gaari noociisu yahay xamuul oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah taasi oo s...

Kulamo looga arinsanayo Sameynta maamul

News image

Caabudwaaq : (Sh.M.Network) Kulan looga hadlayay sidii maamul ay yeesheen dadka deegaanka looga dhisi lahaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa gudaha degmadaasi waxaa ku yeeshay odayaal iyo masuuliyiin ka tirs...

Inkabadan 60 ruux oo la dhigay Madiina.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-13-05-2010)  Xili shalay galinkii hore ilaa iyo galinkii danbe dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeyay dhinacyada ku dagaalama Magaalada Muqdisho islamarkaana geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo ...

Ahlu Sunna oo laga codsaday inaysan ka d

News image

Xarardheere: (Sh.M.Network) Kulan looga hadlayay sidii Culumaa’udinka Ahlu Sunna aysan weerar uga qaadi laheyn tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ayaa tuulooyinkaasi waxaa ku qaatay odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin ka tirsanaa Ahlu Su...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Ciidamada Al Shabaab oo dad rayid ah ku

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab Saakay ay ku fureen gaadiid BL- ah oo marayay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqd...

Al Shabaab oo shacabka Gobolka Sh/hoose

News image

Marka: (Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ku amray shacabka ku dhaqan gobolka Sh/hoose inay iyaga iyo caruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalada ay ugu yeereen Jiha...

Mudane ka tirsan Barlamanka oo eedeeyay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta eedeyn kulul oo wax ka qabasho la’aan ah u soo jeediyay Barlamanka KMG Soomaaliya iyo Xukuumada Ra’iisul wasaare Shar...

Dowladda KMG oo sheegtay inay weerar ku

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay kala wareegi doonto Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab gacanta ku heysta gobolada Koofureed ee dalka Soom...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT