|
Ciidamada Al Shabaab oo loogu baaqay duulaan ay ku qaadaan Madaxtooyada.
Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ah waaliga wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Maanta saxaafada kula hadlayay agagaarka hogaansii hore ee nabad sugida ee waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dhamaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab in ay isku diyaariyaan weerar ay ku qaadaan Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo haatan ah goobta ay ku suganyihiin madaxda ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya. Waaliga Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab maalmihii la soo dhaafay weeraro ay ku qabsadeen fariisimo cusub ee ay horayu ugu sugnaayeen ciidamada dowlada, isagoo carabka ku dhiftay in weeraradaasi weerarka xigana uu yahay mid ay ku qaadayaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale waaliga Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadoodu ay ku sunaayeen markii hore nawaaxiga hoteel golobal haatana ay ku suganyihiin deegaano kale oo ka fog fog oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo maanta saxaafada reer Muqdisho ay geeyeen. “Laga soo bilaabo hotel golobal iyo dhulka hogaankii nabad sugida oo hadda dadku ay u yaqaan guriga habar Qadiijo ilaahey waxaa uu ku soo celiyay gacanta muslimiinta waxaana la wareegay mujaahidiinta” ayuu yiri Sheekh Cali Max’ed Xuseen. Waaliga wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay dayactirka Maamulka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ka wadaan qeybo ka mid ah wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho kaasi oo uu sheegay in haatan meel wanaagsan uu marayo. Ugu dambeyntii ayaa xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab waxa ay maanta saxaafada ku soo wareejiyaan fariisimo dhowr ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kula wareegeen dagaaladii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |















