SHABELLE
 

 

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo mar kale eedeeyay Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Muqdisho: (Sh.M.Network) kadib dagaalo Saakay ka dhacay qeybo kamid ah demooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa dagaaladaasi ka hadlay Wasiiro dowlaha Wasaarada Gaashaandhoga dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Maanta qeybo ka mid ah degmada Hodon ayaa sheegay in sababaha keenay la wareegida qeybo kamid ah degmooyinka waqooyi ee Muqdisho uu sabab u ahaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana aan wax saanad ah la gaarsiin ciidamada dowlada ee halkaasi ka dagaalamayay.

Maalmo ka hor ayey aheeyd Markii Wasiiro dowlaha Wasaarada gaasaandhiga dowlada KMG ee Soomaaliya uu sidoo oo kale u eedeeyay Ra’iisul wasaare Sharma’arke isagoo ku eedeeyay in uu u diiday Ciidamada dowladda ee ka dagaalama agagaarka Fagaaraha Tarabuunka Saanadii militari ee ay ku dagaalami lahaayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay waxaa uu ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya in uu gacansiiyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa sidoo kale Shirkiisa jaraa’id waxaa uu kaga hadlay dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ay guulo ka gaareen dagaalkaasi sida uu sheegayna ay qabteen ciidamada dowladda Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kadibna ay dileen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo Shabelle la hadalay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii Saakay ay iyagu qaadeen islamarkaana ay kula wareegeen fariisimo ay Ciidamada dowladda KMG ku lahaayeen wadada dheer ee  xiriirisa Isgoysyada sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dhinacooda Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Buhuuku oo Shabelle la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii Saakay aysan wax lug ah ku laheyn Ciidamada  AMISOM isagoo tilmaamay in uusan waxba kala socon wax dagaal ah oo Saakay dhacay.waxana uu dhinaca kale iska fogeeyay in ciidamadooda ay duqeen u geysteen suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Stories

Puntland oo Saxafada ka mamnuucday warey

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Maamulka Puntland ayaa Saxaafada madaxa banaan ee ka howlgash deegaanada uu ka tliyo Maamulkaasi waxaa uu ka mamnuucey wareysiga mucaaradka ka soo ho...

Qaraxyo lala xariiriyay AL Shabaab oo xa

News image

Kampala: (Sh. M. Network)  Dowladda Ugandha oo ku eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeeyaan Qaraxyadii dadka faraha badan ay ku dhinteen ee Xalay ka dhacay Magaalada Kampala iyadoo dhinaca kalana ay soo ...

UN-ka oo booqnaya maalmaha soo socda Xer

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Maalmaha soo socda kormeer uu ku soo sameyn doono xerooyinka ay ku jiraan Qaxo...

Shabaabka Dhoobley oo ku baaqay ka qeyb

News image

Dhoobley: (Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Dhoobley ayaa ugu baaqay shacabka degmadaasi inay ka qeyb qaataan dagaalada ay kula jiraan ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Odayasha Galkcayo oo ku baaqay in la adk

News image

Gaalkacyo : (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah odayaasha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa ku baaqay in wax laga qabto falal amni daro oo kusoo badanaya xaafadaha maga...

QM oo canbaaraysay weerarka iyo is qarax

News image

New York : (Sh. M. Network) Golaha amaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa ku soo biiray xubnaha beesha caalamka ee dhaleecaynaya werarkii maalintii shalay Ururka Al Shabaab ay ka fuli...

Mambasa oo laga furay Maxkamad gaar ah o

News image

Mambasa (Sh. M. Network) Dowladda Kenya ayaa Maanta Maxkamada loogu talagalay in la saaro kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee Maraakiibta shisheeye ay ka soo qabtaan biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow...

Hogaamiyaaasha Afrika oo ka hadlaya sidi

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Dagaalada ka soconaya dalka Somalia ayaa xudun u ah shirka midowga Afrika ee Kampala iyadoo madaxda Afrikaanka ee shirkaas ka qeyb galaya ay diiradda ku saarayaan arri...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Barakacayaal soo gaaray magaalada Baladw

News image

Baladweyne: (Sh.M.Network) Qoysas ka soo barakacay fatahaado uu Webiga Shabelle ka geystay dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraa...

Ciidamo laga duuliyay Gaalkacyo iyo Wasi

News image

Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Laga duuliyay Ciidamo boolis ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug kuwaasi oo tababar loogu qaaday dalka Uganda iyadoo dhinaca kalana wasiirada Galmudug ay ka shir...

Puntland oo ciidamo dheeri ah u dirtay B

News image

Garoowe : (Sh. M. Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa ciidamo dheeri ah waxaa uu u diray deegaanka Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamada PIS-...

Sweden oo mar kale qabatay nin argagixis

News image

Stockholm : (Sh.M.Network) Ciidamada Booliska ee dalka Swedan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin u dhashay dalka Soomaaliya hase ahaatee heysta dhalashada wadankaasi Sweden oo ay ku eedeeyeen in uu f...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Xukuumada Sharma’arke oo maanta kalsooni

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Xukuumada KMG Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa maanta lagu wadaa inay hortagto Barlamanka KMG Soomaaliya si ay u weydiisato Kalsoonida Barl...

Beelaha Hawiye oo Barlamanka la yaabey.

News image

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha hawiye ayaa waxyaabo aan la filaneyn waxaa ay ku tilmaameen arintii shalay dhexmartay Mudanayaasha Barlamanka, Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Xukuumada Ra’i...

Dowladda oo soo bandhigtay meydadka daga

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanat qeybo ka mid ah degmad Hodon waxaa ay ku soo bandhigeen meydadka dagaalyahano ay sheegeen inay ka tirsanaa Xisb...

Saalaadihii Ciidaha oo la siyaasadeeyay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa Maanta dadweynaha Muqdisho u cayimay meelo ay ku tukadaan Salaad Ciidda, waxaana meelahaasi ka mid ah goobaha ay gacanta kaga hayaan Muqdisho, Sana...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT