|
Midowga Afrika oo ku baaqay in 15 maalin lagu keeno ciidamdii la balan qaaday.
Kulana ay albaabada u xeranaayeen oo ka dhacay magaalada Kampala ee Xarunta wadan Uganda islamarkaana ay ku yeeshayn Madaxda sar sare ee Uruka midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada la balanqaaday ee 2,000 oo askari ee la qorsheeyay inay soo gaaraan gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku imaan doonaan mudo labo toadobaad gudahooda, iyadoo ciidamadaasi ay ku soo biiri doonaan ciidamada ilaa iyo 6.000 ee askari gaaraya ee kala kala socda Wadamad Burundi iyo Uganda ee nabad ilaalinta ka wada gudaha wadanka Soomaaliya. Waxaa ay isku raaceen kulankooda Madaxmda sar sare ee Ururka Midowga Afrika inay noqon doonto soo daad gureynta Ciidamadaasi mid sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daadgureeyo sida uu sheegay Wasiirka arimaha dibadda dalka Ethiopia ninka lagu magacaawo Siyuu Musfin iyo waliba madaxa dhinaca nabadda iyo amniga ah ee Ururka midowga Afrika ninka lagu magacaabo Ramtana Lamamra. Waxa ay intaasi ku dareen Midowga Afrika in ay go’aan ku wada gaareen sidii looga taageeri lahaa dowladda KMG Soomaaliya dhinaca waliba iyagoo si kulul markale u dhaleeceeyay qaraxyadii ka dhacay Madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in kulankoodu ay balanqaadyo kala duwan ay u qaadeen sidii loo xoojin lahaa loogana dhabeyn lahaa balan qaadyadii iyo waliba wax yaabihii ay kaga hadleen magaalada Beesha caalamka ayaa la sheegay in iyana ay balanqaaday oo ay damaanada qaaday in ay ku tabaruci doonto ciidamada Soomaaliya imaanaya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ilaa iyo 5 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca Helicopter-ka loo yaqaano halka Dowladda Koofur Afrikana ay balan qaaday in Maraakiib kuwa dagaalka ah ay u soo diri doonto dakadda magaalda Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose ee Soomaaliya taasi oo la sheegay inay noqon doonto barta ay ka qaadan doonaan ciidamada taageerada dhinaca Lojistikada dhaqalaha iyo waliba waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah Ciidamada ladoonayo in Soomaaliya ay yimaadaan. Dhawaan ayay ahayd markii Xarakada Al Shabaab ay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay la dagaalami doonaan ciidamo waliba oo loo soo dira gudaha wadanka Soomaaliya. Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheer ) ayaa baaq u diray wadamada damacsan in ay ciidamo u soo diraan gudaha wadanka Soomaaliya kaasi oo ku aadan inay ka baaqsadaan oo ay joojiyaan islamarkaana aysan u soo dirin ciidamo wadanka Soomaaliya gaar ahaa Magaalada Muqdisho hadii kale aysan waxba ka duwanaan doonin kuwii horay ay kula dagaalameen dhulka Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
















