|
Howlgalo hakad galiyay ganacsigii oo ciidamada dowlada ay ka sameeyen Wadajir.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta howlgalo hakad galiyay qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganasciga waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir oo xalay ay ka dhaceen dilal qorsheysan. Iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda KMG howlgalo ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in ay hakad galeen qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee ka jiray qeybo ka mid ah Xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir. Howlgalada ay ciidamadaani maanta ka sameeyeen degmada Wadajir ayaa waxa ay ka dambeyeen kadib markii xalay siyaabo kala duwan degmadaasi ay uga dhaceen dilal qorsheysan, waxaana ciidamadu ay bilaabeen inay baaritaano ku sameeyaan goobihii ay ka dhaceen dilalka. Haweenay ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle la hadleysay ayaa Sheegtay in saakay ay hakad galeen qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga ee ka jirey Xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir kadib markii halkaasi ay howlgalo balaaran ka bilaabeen ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya. Lama oga in dad lagu soo qab qabtey howlgalada ay ka sameeyeen ciidamada dowladda KMG degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyadoo dhinaca kalana maamulka degmadaasi uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo howlgalada saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Xaafada Buula Xuubey. Howlgaladaani ayaa imaanaya xili xalay xaafadaha Nasteexo iyo Buula Xuubey ay ka dhacaan dilal loo geystay dad rayid ah iyo nin ay sheegeen ciidamada dowladda KMG inay uu ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |















