|
Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmada Yeed ee gobolkaBakool.
Dagaalkaani oo ka dhacay degmada Yeed ee gobolk Bakool ayaa waxaa ay uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwii taabacsanaa Maamuladii hore ee dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool iyo ciidamo ka tirsan Al Shabaab, waxaana ka dhashay qasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay dagaaladaasi waxaa ku nafwaayay in ka badan 3 ruux oo la sheegay in ay yihiin dhamaantood dhinacyadii ku dagaalamay degmada Yeed oo ku taala xadka gobolka Bakool uu la wadaago dalka Ethiopia iyadoona ay jiraan qasaare dhaawacyo leh oo soo gaaray dhinacyadii hardamay iyo dadka deegaanka. Dagaalka oo socday mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa la sheegay in markii dambe gacan ku heynta degmadaasi ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iyagu markii hore weerar ku soo qaaday degmada Yeed oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya walow ciidamada dowladda ee halkaasi laga saaray ay joogaan duleedyada degmada laga qabsaday. Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo dagaaladaasi ka hadlayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalada degmada Yeed ee gobolka Bakool ay kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya isagoo sheegay inay halkaasi kula wareegeen gaari nuuca cabdi bilaha ah oo ay lahaayeen ciidamadii dowladda ee halkaasi laga saaray sida uu hadalka u dhigay. Inkastoo xaalad deganaasho ah iminka ay ka jirto degmada Yeed ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo xoogan oo duleedyada degmadaasi ay ka wadaan saraakiil iyo ciidamo taabacsan Maamuladii dowladda KMG ee ka arimi jirey Xariiro aynu la sameynay dhinaca masuuliyiinta dowladda KMG ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool si aan wax uga weydiino dagaaladii halkaasi ay ula galeen xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayay inoo suurta gali weysay in aan qadka taleefanka ku haleelno. Ugu dambeyntii xaaladda degmadaa ayaa ah mid saacad walba laga filan karo in mar kale dagaal uu ku dhexmato dhinacyada hardanku uu u dhaxeeyo iyadoona dadkii deganaa deegaanadaasi ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda iyagoo ka baqdin qaba in mar kale dagaalo halkaasi ay ka dhacaan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
















