|
Dhowr qof oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Wadajir.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ilaa sedax ruux ayaa xalay siyaabo kala duwan waxaa loogu dilay Xaalafado ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyadoo saakay ciidamada dowladu ay halkaasi ka wadaan howlgalo xoogan. Dilalkaani ayaa dadka loo geysta waxa ay isugu jiraan dad rayid ah Ganacsato iyo kuwa kale oo la sheegay inay Al Shabaab ka tirsanaayeen, waxaana dilka koowaad uu ka dhacay Xaafada Buula Xuubeey gaar ahaan halka looyaqaan Macruuf, waxaana halkaasi dil loogu geystay qof rayid ah iyadoo sidoo kale ganacsadihii dukaanka Macruufna la dhaawacay. Falkaasi ayaa waxaa geystay kooxo hubaysan, waxaana halkaasi mudo ka dhacay israsaaseyn daqiiqado socotay, iyadoo dhaawacii ganacsade Macruufna loo qaaday isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Dilka kale ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir halkaasi oo ciidamada dowladda KMG ay ku qabteen ilaa 3 nin oo ay uga shakiyaan inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, waxaana goobta ay ku dileen mid ka mid ah sedaxdaasi walow labadii kale ay ka baxsadeen. Ciidamada dowladda ayaa sheegay in qofka ay dileen ay ka qaadeen bastoolado iyo bambooyin uu xiligaasi watay, waxaana meydka ninkaasi uu yiilay goobta lagu dilay ilaa dhowr saacadood. Saakay ayaa markii uu waagu baryay ciidamada dowladda KMG waxaa ay howlgalo ka bilaabeen xaafadaha Nasteexo iyo Buul xuubey ee gobolka Banaadir halkaasi oo baaritaano xoogan ay ka sameeyeen. Lama oga in ay howlgaladooda dad ku soo qab qabteen iyo in kale hase ahaatee Maamulka degmada Wadajir oo aan xariir la sameynay ayaa inoo sheegay in uu faah faahin ka bixin doono Saacadaha soo aadan howlgaladaasi. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |















