SHABELLE
Hogaamiye Max’ed Saciid Atam oo iska fogeeyay in uu xariir la leeyahay Al Shabaab.

Boosaaso: (Sh. M. Network) Hogaamiyihii dhawaan isaga iyo ciidamadiisa dagaalka la galay ciidamada Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cid rasmiga ee uu xariirka la leeyahay isagoo iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay Al Shabaab.

Kadib markii maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in hogaamiye diimeedkii dhawaan dagaalka la galay ciidamada Maamulka Puntland uu ka tirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa arimihaasi si kulul uga hadlay oo beeniyay hogaamiye diimeedkaasi Max’ed Saciid Atam xili uu la hadlayay Idaacada VOA-da.

Waxaa uu sheegay ATAM in isaga iyo ciidamadiisu aysan wax xariir ah la laheyn Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Al qaacida, waxaana uu sheegay in dagaaladii dhawaan ka dhacay Puntland ay sabab u ahayeen weeraro uu sheegay inay ku soo qaadeen ciidamada PIS-ta Puntland.

Max’ed Saciid Atam waxaa uu sheegay in Al Shabaab Afhayeenadooda ay cadeeyeen in uusan xariir la laheeyn, isagoo intaasi ku daray in  dagaalku uu yimid kadib markii uu go’doomiyay Maamulka Puntland waxaana uu beeniyay in ay weerarka markii hore iyagu soo qaadeen.

Hogaamiyaha koox diimeedka ku sugan deegaanada Gagala iyo Karin ayaa isaga oo aan dafireyn Madaxtinimada Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in uu horey dhowr jeer ugu cel celiyay inay ku hareereysaanyihiin ciidamadiisa.

Atam ayaa waxaa uu beeniyay oo uu meesha ka saaray in deegaanada ay ku suganyihiin ee Galgala iyo Karin ay joogaan dad Ajanabi ah waxaana isagoo kaftamaya uu sheegay in xitaa halkaasi aysan ku sugneyn dad ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya.

Waxaa uu ku saleeyay dagaalka uu kula jiro Maamulka Madaxweyne Faroole in uu yahay balan ka baxyo uu kula dhaqaaqay Madaxweyne Faroole taasi oo aheeyd in uu meesha ka saaro ciidamada PIS-ta Puntland oo uu sheegay inay yihiin Ashahaado la dirir, isagoo ku eedeeyay Faroole in uu xoojiyay Ciidamadasi iyo dhac uu tilmaamay in maamulka Puntland ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

Hadalka Hogaamiyahaani dhawaan dagaalka kala horyimid Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u dambeeyay la hadal hayay in uu xariir la leeyahay Al Shabaab, walow arinkaasi Maalin ka hor uu beeniyay Afhayeenka Al Shabaab, hase ahaatee qaar ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa qaba in Max’ed saciid Atam uusan ka fakir duwaneyn Al Shabaab maadaama uu la soo baxay calaamado iyaga u gaar ah.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Qaramada Midoobay oo taageertay go’aanki

News image

Nairobi: ( Sh.M.Network) Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay taageertay go’aankii shalay Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya uu ka qaatay khilaafkii ka dhexjiray Ra’iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyihii Barlamanka....

Ahlu Sunna oo dowladda ku eedeysay in ay

News image

Dhuusamareeb: (Sh.M.Network) Golaha Talada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyay dowlada KMG Soomaaliya inay ku fashilantay fulinta heshiisyadii dowladda KMG iyo Culumaa’udinka Ahlu Sunna ku dhexmaray Magaalooyinka Addis Ababa iyo ...

Maxkamada Boosaaso oo dil toogasho ku xa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maxakamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin horay qof kale dil ugu geystay, iyadoo dhinaca kala...

Wasiir iyo Garsoorayaal la ruqseeyay.

News image

Garoowe: 16, May.10 ( Sh.M.Network) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in isku shaandheyn lagu sameeyyay garsooreayaasha Maxkamadaha Maamulka Puntland iyadoo xilkii laga qaaday Wasi...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wasaarada Warfaafinta DKMG oo cambeereys

News image

Muqdisho  : (Sh. M. Network) Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta Warsaxaafadeed ay soo saratay waxaa ay ku cambaareysay Xarigii iyo xukunkii lagu ridey agaasimihii Idaacada Horseed Media ee Maga...

Kulankii Madaxda Ururka Midogw Afrika oo

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Kulanka Ururka Midowg Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda isbuuc ka dib markii Qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada Kampala kuwa...

Madaxweynaha dowladda KMG oo Cafis u fid

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxaa uu cafis u fidiyay Maxaabiis kor u dhaafeysa 25 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee M...

Kulankii Madaxda Midowga Afrika oo furma

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Waxaa maanta Magaalada Kampala ka furmay shir madaxeedkii Madaxweynayaasha Ururka midowga Afrika iyadoo kulankaasi waxyaabaha looga hadlayana ay ka mid tahay Xaalada wadanka Soom...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wasiirka Warfaafinta "Shabelle waa Warba

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasiirka cusub ee Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Ing. Yariisoow) ayaa Maanta sheegay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay tahay Warbaahinta Kaliya ee dhex dhexaadka ee...

Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network)Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa xalay fiidkii waxaa qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho lagula eegtay Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaas...

Dadkii Buuhoodle ay ku dhaawaceen ciidma

News image

Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay dagaalkii dhawaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa deegaanka ku dhexmaray degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in la gaarsiiyay isbitaalo kuyaala waqooyiga Maga...

Duqeyn qasaare geysatay oo Caawa fiidkii

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network)  Duqeyn ay ku dhinteen dad rayid ah islamarkaana kuwa kale ay ku dhawaacmeen ayaa Caawa waxaa ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee M...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Spain oo horey u aheeyd Horiyaalkii Yuru

News image

Johannesburg: (Sh. M. Network)  Magaalada Johannesburg waxaa Xalay ka dhacday Ciyaar aad u xaamasad badneyn oo aheeyd kama dambeysta Koobka Aduunka iyadoo ay isaga horyimaadeen wadamada Spain iyo Holl...

Xildhibaano ku eedeeyay Xukuumadda inay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa ku kala arakti duwanaaday howlaha Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya, iyadoo sharci darana kutil maameen gudiga madaxa banaan ee a...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK oo sh

News image

London : (Sh. M. Network)  Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka UK ayaa Shabelle Caawa waxaa ay u sheegeen in ay sameynayaan munaasabad weyn oo lagu dabaaldagayo Maalinta bulshada Soomaaliyeed kuwe...

Boosaaso oo maanta laga bilaabay burburi

News image

Boosaaso: (Sh.M.Network) Shaqaalaha dowladda hoose ee Maamulka Goboleedka Puntland ayaa maanta bilaabay burburinta dhismayaal sharci daro ah oo kuyaala Magaalada Boosaaso e Xarunta ganacsiga Maamulka Goboleedka Punt...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT