SHABELLE
Wasiirka dowlada Ingiriiska ee Arimaha Afrika oo Wareysi qaas ah siiyay Shabelle.

Nairobi: (Sh. M. Network) Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika oo Maanta wareysi qaas ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka taagan Soomaaliya, Somaliland, Puntland,  Lamaanaha Ingiriiska iyo Qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Wasiirka Cusub ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika Henry Bellingham oo maanta waraysi gaar ah siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa wuxuu sheegay inay waajib tahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan loo helo xal siyaasadeed,

Wasiirka oo Wariyaheena  Axmed Nuur Max’ed Faarax Gantleman uu wareysi kula yeeshay Magaalada Nairobi ayaa intaasi ku daray inay u caddeeyeen dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka doonayaan inay horumariso shaqadeeda iyo wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la shaqaynayaan maamulada Somaliland iyo Puntland si ay horumiyaan taageeradooda shacabiyadeed.

“Ma aha oo kaliya dowladda KMG waxa aan la shaqaynayno laakiin sidoo kale waxaan la shaqaynaynaa mamaulka cusub ee Somaliland, maamulka Puntland iyo maamulada kale ee ka jira gobolladda Soomaaliya, waxaan soo dhawaynaynaa fikrad kasta oo wax dhisaysaa, si loo helo dib u heshiisiin buuxda” ayuu yiri Henry Bellingham oo u waramayay Shabelle

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka oo ka hadlayay ciidamada dheeraadka ah ee midawga Afrika uu doonayo in la geeyo Soomaaliya waxa uu sheegay inay ciidamadaasi ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan isaga oo intaasi ku daray inuu aaminsanyahay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan xilligaan, isla markaana ay dhamaystiri doonaan shaqada loogu talo galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirki in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya uu dawr muhiim ah ka cayaari doono xal loo helo dhibaatada Soomaaliya.

Dhanka kale Bellingham oo ka hadlayay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Kampala ayaa aad u cambaareeyay Al-Shabaab isaga oo sheegay inay waxyeelo u gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ka hor istaageen gargaarka bini’aadanimo dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan ku dadaalaynaa in aan kula talino wadamada deriska ah inay xoojiyaan la dagaalankooda argagaxisada, waxaan sidoo kale ku dadaalaynaa in xagjirka kasta oo dalka Ingiriiska ku nool kaasi oo ku fikiriya inuu Soomaaliya yimaado in aan ka hortagno, innaga oo ka dhaadhicayna Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska inay ka hortagaan barnaamijada argagaxisada si aan loo dhibaatayn Soomaalida.” Ayuu yiri xili uu u jawaabayay Wariye Gentleman

bidix wariye axmed noor_and henry bellinghamok

Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay lamaanaha Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay kooxaha haysta in aysan waxyeelo u gaysan lamaanayaashaas isla markaana si shuruud la’aan oo degdeg ah ku sii dayaan. Waxa uu sheegay inaysan is badalin siyaasada Ingiriiska isla markaana aysan wax madax furasho ah siin doonin kooxaha haysta lamaaanayaasha ingiriiska.

Wasiirka ayaa booqashadiisa Kenya uu ku yimid waxa uu diirada ku saarayay inta badan arimaha Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Ingiriiska ay kordhinayso taageerada ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale

Shabakada Warbaahinta Shabelle

Nairobi, Kenya

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Fadhigii Barlamanka oo maanta dib u dhac

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulankii xildhibaanada Barlamanka KMG soomaaliya ay maanta ku yeelan lahaayeen xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u dhacey iyadoo arinkaasina ay cambaareeyeen Xildhibaano ka t...

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka KMG oo

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay Ciidamadooda kala baxaan goboladaasi....

Dagaal iy duqeyn ay ku dhinteen kudhawaa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa maanta Waqooyiga Magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal iyo duqeyn goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Al Shabaab iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo saba...

Shilgaari oo ka dhacay deegano hoostaga

News image

Wanlaweyn: (Sh. M. Network) Shilkaani gaar ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose, waxaana gaariga Shilka galay uu haa nuuca looyaqano Initaree waday Dhuxul kaasi oo k...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wasiir istiqaaladiisa gudbiyay.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-11-05-2010) Wasiirka ka tirsan Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa manta Istaqaaladiisa waxaa uu u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharma’arke.   Wararka ay hel...

Irasaaseyn ka dhacday duleedka Baladweyn

News image

Baladweyne: (Sh. M. Network-12-05-2010) Israsaaseyn sababtay dhimashada hal qof ayaa ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo burcad ah waxaa ay ku dhexmartay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiir...

Al Shabaab oo daawo iyo raashiin dhacay

News image

Jowhar: (Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Jowhar  ee gobalka Sh/dhexe ayaa maanta halkaasi ku gubay Raashin iyo dawooyin ay sheegeen in ay dhac...

Ciidamada Maamulka Puntland oo qabtay ku

News image

Garoowe: (Sh.M.Network) Ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa Xalay fiidkii Waxaa ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 ruux oo burcad badeeda Soomaali ah kadib howlgalo ay ka s...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Howlgalo looga hortagayo burcad badeeda.

News image

Dubai: (Sh. M. Network-11-05-2010) Qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada badda caalamka oo ku baaqay wada shaqeyn xaga amaanka ah oo laga sameeyo badweynta Hindiya si loo yareeyo qatarta burcad badeeda.   Kadib shir...

Cabsida Shacabka iyo kulanka Barlamanka.

News image

Muqdisho 16, May.10 ( Sh.M.Network) Xili Saacadaha soo aadan la filayo in uu furmo kal fadhiga Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay sameeyn weyn arintaasi ku yeelatay wadayaasha gaadiidleyda, Ganacsatada iyo ...

Maamulkii dowladda ee Bakool oo beeniyay

News image

Dooloow: ( Sh.M.Network) Maamulkii dowladda KMG ee Soomaaliya ee sanadii hore laga saaray gobolka Bakool gaar ahaan degmada Xudur ayaa beeniay wararka sheegaya in  ciidamo Itoobiyaan ay la wareegeen degmada Ceel...

Dhowr qof oo ay ka mid yihiin rag Somali

News image

Kampala: (Sh. M. Network)  Ku dhawaad 5 qof oo la aamin sanyahay in ay ku jiraan dhalinyarai Soomali ah ayaa loo qab qabtay qaraxyadii bambaano ee ka dhacay magaalada Kambala ee X...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo diid

News image

Muqdisho: ( Sh.M.Network) Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo golihiisii wasiirada oo kulan ku qaatay  Magaalada Muqdisho islamarkaana uu shir gudoominayay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayay isku raaceen inaysan jirin wax ...

Banaanbax lagu taageerayo Dagaalka Shaba

News image

Garbahaarey : (Sh. M. Network) Banaanbaxyo lagu taageerayo dagaalada dadka rayidka ah ay ku dhinteen sedaxdii Maalin ee u dambeeyay ee ay dhawaan iclaamiyeen Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxaa ay k...

Soomaalida ku sugan S/Afrika oo ka walaa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Iyadoo habeen ka hor dalka S/afrika lagu dilay ganacsade Soomaali ah laba kalana dhaawac loogu geystay ayaa arintaasi waxaa si kulul uga hadlay qaar ka mid ah m...

Qarax lala eegtay Gudoomiyaha Ahlu Sunna

News image

Guriceel  : (Sh. M. Network) Galinkii danbe ee shalay ayaa qarax nuuca rimuud Kontarolka ah  waxaa lala eegtay gudoomiyaha Mamaulka degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur, xili u sii galayay hoygiisa uu k...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT