SHABELLE
Wasiirka dowlada Ingiriiska ee Arimaha Afrika oo Wareysi qaas ah siiyay Shabelle.

Nairobi: (Sh. M. Network) Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika oo Maanta wareysi qaas ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka taagan Soomaaliya, Somaliland, Puntland,  Lamaanaha Ingiriiska iyo Qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Wasiirka Cusub ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika Henry Bellingham oo maanta waraysi gaar ah siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa wuxuu sheegay inay waajib tahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan loo helo xal siyaasadeed,

Wasiirka oo Wariyaheena  Axmed Nuur Max’ed Faarax Gantleman uu wareysi kula yeeshay Magaalada Nairobi ayaa intaasi ku daray inay u caddeeyeen dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka doonayaan inay horumariso shaqadeeda iyo wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la shaqaynayaan maamulada Somaliland iyo Puntland si ay horumiyaan taageeradooda shacabiyadeed.

“Ma aha oo kaliya dowladda KMG waxa aan la shaqaynayno laakiin sidoo kale waxaan la shaqaynaynaa mamaulka cusub ee Somaliland, maamulka Puntland iyo maamulada kale ee ka jira gobolladda Soomaaliya, waxaan soo dhawaynaynaa fikrad kasta oo wax dhisaysaa, si loo helo dib u heshiisiin buuxda” ayuu yiri Henry Bellingham oo u waramayay Shabelle

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka oo ka hadlayay ciidamada dheeraadka ah ee midawga Afrika uu doonayo in la geeyo Soomaaliya waxa uu sheegay inay ciidamadaasi ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan isaga oo intaasi ku daray inuu aaminsanyahay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan xilligaan, isla markaana ay dhamaystiri doonaan shaqada loogu talo galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirki in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya uu dawr muhiim ah ka cayaari doono xal loo helo dhibaatada Soomaaliya.

Dhanka kale Bellingham oo ka hadlayay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Kampala ayaa aad u cambaareeyay Al-Shabaab isaga oo sheegay inay waxyeelo u gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ka hor istaageen gargaarka bini’aadanimo dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan ku dadaalaynaa in aan kula talino wadamada deriska ah inay xoojiyaan la dagaalankooda argagaxisada, waxaan sidoo kale ku dadaalaynaa in xagjirka kasta oo dalka Ingiriiska ku nool kaasi oo ku fikiriya inuu Soomaaliya yimaado in aan ka hortagno, innaga oo ka dhaadhicayna Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska inay ka hortagaan barnaamijada argagaxisada si aan loo dhibaatayn Soomaalida.” Ayuu yiri xili uu u jawaabayay Wariye Gentleman

bidix wariye axmed noor_and henry bellinghamok

Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay lamaanaha Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay kooxaha haysta in aysan waxyeelo u gaysan lamaanayaashaas isla markaana si shuruud la’aan oo degdeg ah ku sii dayaan. Waxa uu sheegay inaysan is badalin siyaasada Ingiriiska isla markaana aysan wax madax furasho ah siin doonin kooxaha haysta lamaaanayaasha ingiriiska.

Wasiirka ayaa booqashadiisa Kenya uu ku yimid waxa uu diirada ku saarayay inta badan arimaha Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Ingiriiska ay kordhinayso taageerada ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale

Shabakada Warbaahinta Shabelle

Nairobi, Kenya

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Wadayaasha BL-ka Muqdisho oo ka cabanaya

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) wadayaasha gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa isgoysyada KM4 iyo X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku haya...

Maxkamada Boosaaso oo dil toogasho ku xa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maxakamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin horay qof kale dil ugu geystay, iyadoo dhinaca kala...

Arday maanta u fariisatay imtixaanka aqb

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kudhawaad 500 oo arday ayaa Maanta u fariistay Imtixaanka aqbalaada jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho, iyadoo arinkaasi ay soo dhaweeyeen Maamulka Jaam...

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ku soo la

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay Wadanka Sudaan, waxaana uu waca...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Fadhigii Barlamanka KMG oo maanta furmay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Waxaa saakay lagu wadaa in fadhigii Caadiga ah Xildhibaanada Barlamanka ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho iyadoo amaanka xaruntaasina si weyn loo adke...

Golaha Wasiirada oo ka dooday Sharciga B

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka dooday sharciga lagu qaadayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo guryaha ay degayaan Muda...

Puntland oo Garoowe ka bilowday qaadista

News image

Garoowe: (Sh. M. Network)  Magaalada Garoowe ee Caasimaga Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadista Canshuurta guryaha waxaa ka bilaabay dowlada hoose ee Maamul goboleedka Puntland iyadoo albaabada lagala baxayo guryihii diida cans...

Human Rights Watch oo cambaareysay dad S

News image

Amsterdam : (Sh. M. Network) Dowladda Wadanka Holland ayaa bilaaabeysa bilaha soo socda in ay koofurta dalka Soomaaliya ku celiyaan qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan iyad...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Shirka Wadamada ku hormaray Warshadaha o

News image

Torant : (Sh. M. Network) Hogaamiyeyaasha wadamada ku hormaray warshadaha oo marka magacooda loo soo gaabiyo looyaqaan G-8 oo uu shir ugu soconayo dalka Canada ayaa shirkooda waxaa ay ku soo ...

Dadkii Buuhoodle ay ku dhaawaceen ciidma

News image

Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay dagaalkii dhawaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa deegaanka ku dhexmaray degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in la gaarsiiyay isbitaalo kuyaala waqooyiga Maga...

Xiisado dagaal oo laga dareemayo deegaan

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada amaanka ee Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam ayaa saakay waxaa si weyn looga dareemayaa deegaanadii shalay lagu daga...

Moses Wetangula “ dowlada KMG waa inay d

News image

Nairobi: (Sh.M.Network) Wasirka arimaha dibada ee dalka Kenya ayaa baaq u diray Masuuliyinta sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwoodii mudooyinkii ugu dambeeyayuu ka dhaxeeyay khilaafka wada saameeyay dowl...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Kenya oo ciidamo militari ah soo dhoobta

News image

Balad Xaawo: (Sh. M. Network)  Dowladda Wadanka Kenya ayaa ciidamo farabadan oo kuwa militariga ah waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto gobolka Gedo ee Soomaaliya iyadoo uu xirmay isku...

Ciidamada dowladda KMG oo Maanta mar kal

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Maanta isku rasaaseeyay inta u dhaxeysa Isgoysyada Zoobe iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho iyadoona halkaasi ay ka dhalatay dhimasho iyo ...

Dabley Gaari rakaab ah rasaaseysay.

News image

Baladweyne: (Sh. M. Network-11-05-2010) Kooxo dabley ah ayaa Rasaas ku furay gaari Rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah iyadoo rasaastaasina uu ku geeriyooday hal qof oo rayid ah. D...

Dab saakay ka kacay Xariryaale.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-12-05-2010) War deg deg ah:-Dab Xoogan ayaa saakaay waxaa uu ka kacay guryo kuyaala Xaafada Xariryaale degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir kaasi oo ilaa iyo hadda lagu howl...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT