Muqdisho (Sh.M.Networ)— Maamulka Warshada Coca-cola ayaa ku dhawaaqay in dib loo howlgalinay Warshadaasi oo muddo xirneyd.
Kadib shirjaraa’id uu maanta ku qabtay Xarunta warshada Coca-cola ee magaaladda Muqdisho maamulaha warshadaasi Maxamed Xasan Cawaale ayaa waxa uu sheegay in ay dib u bilaabayaan wax soosaarkii warshadaasi oo ku dhawaad Lix sano aan wax cabitaano ah soo saarin.
Maxamed Xasan Cawaale ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qorshey nayaan dib u howlgalinta warshada Coca-cola, islamarkaana ay doonayaan in warshad cusub ay kiciyaan taasi oo soo saaridoonta cabitaano farabadan.
Maamulaha warshada Coca-cola ayaa dhanka kale saamileydii hore ee warshadaasi ugu baaqay in ay sheer cusub layimaadaan, iyagoo ku soo hagaajinayo saamigooda Bangiyada Dahabshiil iyo Salaama wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in Maamul kooban oo tayeysan loo sameynayo warshada.
Maamulaha warshada Coca-cola Maxamed Xasan Cawaale waxa uu sidoo kale xusay in ay khasaareen 52%.
Warshadda Coca-cola ayaa sanadihii 2004-2006 waxa ay sitoos ah wax soo saarkeeda Cabitaan looga iibin jiray Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka Soomaali.
























Comments are closed.