Cismaan Libaax: Doorashada Madaxtinimo biri ayay dhacaysaa

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Iyadoo maalinta birri ah Magaalada Muqdisho lagu wado inay ka dhacdo Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaasi waxaa faah faahin ka bixiyay Guddiga Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya. 

Afhayeenka Guddiga Doorashada Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in maalinta birri ah aysan dib ugu dhacayn Doorashada Madaxtinimo ee dalka, isagoo dhinaca kale walaac ka muujiyay ololaha ay wadaan qaar ka mid ah Musharixiinta oo uu sheegay inay wataan hub iyo Ciidan qal qal gallin kara ammaanka Magaalada Muqdisho. 

Cismaan Libaax ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga qaato xaqiijinta ammaanka si Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab xasiloon oo aan muran ku jirin, islamarkaana Musharax waliba looga baahan yaha haddii looga guuleysto xilkaasi uu taageero Musharaxa kala ee qabtay xilkaasi. 

Hadalkaani kasoo baxay Guddiga diyaarinta Doorashooyinka ayaa waxa uu imanaaya xilli birri loo ballansan yahay in Muqdisho ay ka dhacdo Doorasho Madaxtinimo oo ay indhaha ku hayaan Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter