Ciidmada huwanta oo u ruqaansaday degmada Jilib, Jubbada dhexe

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) — Ciidamada dowladda, Raaskambooni iyo kuwa Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay u ruqaansadeen deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka baxeen Ciidamo  aad u badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo dhawaan halkaasi kala wareegay Xarakada Al Shabaab. 

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay ka dhaqaaqeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo, iyagoo xusay inay ku wajahan yihiin degmada Jilib ee Jubbada dhexe iyo deegaannada  kale oo ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolkaasi. 

Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kuwa aad u hubaysan islamarkaana diyaar u ah inay dagaal ku qaadaan Ciidamada Al Shabaab, waxaana wararku ay sheegayan in xaaladda ay kacsan tahay islamarkaana Ciidamada huwanta ay wadaan dhaq dhaqaaq ballaaran. 

Wax war ah lagama soo sheegin deegaannada kale oo ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolka Jubbada hoose, waxaana arrintaani ay imaanaysaa xilli dhawaan Ciidamada huwanta ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wixii kusoo kordhaa dhaq dhaqaaqaasi kala soco Shabelle.net haddii Alle idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter