Afgooye: (Sh.M.Network)— Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Lambar Konton ee gobolka Sh/hoose.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda ay isku dayeen inay qaadaan Isbaaro Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda u taallay deegaanka Lambar Konton ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal qasaaro gaystay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray Ciidamadii dagaalamay, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dadka deegaanka ah.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cumar Mudane oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu xaqiijiyay dagaalkaasi, inkastoo uusan faah faahin ka bixin tirada Askarta waxyeellada kasoo gaartay dagaalkii maanta dhexmaray.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa ballan qaaday inay ka hortagayaan Isbaarooyinka Ciidamo ka tirsan Soomaaliya ay sida sharci darrada ah usoo dhigteen wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.























Comments are closed.