Ciidamo ka tirsan Dowladda oo dhac u gaystay Gaari Rakaabka ah

maalik_som October 7, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —  Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa la sheegay in saakay ay dhac baahsan ka geysteen wadada dheere ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Mid ka mid ah dadkii Rakaabka ahaa ee saarnaa Gaarigaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Gaariga ay dhac u geysteen Ciidamo ka Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadkii Rakaabka ahaa oo uu isaga ka mid ahaa laga qaatay Mobilada iyo waxyaabaha kale oo ay wateen. 

Goobjoogahaani ayaa sheegay in Rakaabka lagu dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay ka muujinayeen cabsi ballaaran, isagoo ka codsaday Dowladda inay wax ka qabtay ammaanka wadadaasi. 

“ Gaariga ayaa nagula soo galay waxaa nagala qaatay waxyaabihii aan wadanay oo dhan oo ay ka mid ahaayeen Mobilada, Dowladda waxan ka codsanaynaa inay wax badan ka qabato arrinaani” sidaasi yiri goobjoogahaasi. 

Maalmihii dambe ayaa waxa ay cabasho kasoo yeeraysay shacabka isticmaala wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana shaki ku jirin in illaa iyo iminka aysan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinkaani, waxaana haddii arrintaani ay sii socoto mugdi galaya jiritaanka Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo looga baahnaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter