Ciidamo ka tirsan Dowladda oo dhac ka geystay duleedka Muqdisho

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Wararka laga helayo Deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qoysas barakacayaal ah oo tiro ahaan gaaaraya illaa 300-boqol oo Qoys, Sahay gar-gaar oo loo qeybinayay ay ka boobeen Ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siiddii. 

Nabadoon Cumar Seeraar oo ka mid ah Nabadoonnada ku dhaqan Deegaanka Carbiska oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Raashinkaasi lagu keenay Labo gaari, kaddibna qoys waliba gacanta laga saaray gar-gaarkii loogu talagalay, hase ahaatee ay dhac iyo boob kula dhaqaaqeen Ciidamo si gaar ah ugu adeega Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah Haweenkii Barakacayasha ahaa ee Raashinka laga dhacay maanta oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen inaysan aheyn markii ugu horeysay ee Ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Sh/hoose ay dhac iyo boob u gaystaan, iyagoo hoosta ka xariiqay in maalmo dhoweyd ay Ciidamadaasi ka dhaceen tiro Arri ah oo loogu deeqay. 

Shalay ayay aheyd markii Waxgarad, Aqoonyahanno iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Afgooye ay ugu baaqeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud in uu xil ka qaadis ku sameeyo Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo ay ku sheegeen in uu yahay mid dhibaato badan ku haya shacabka ku nool halkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter