Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dayniile

maalik_som October 2, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network)  Maamulka degmada Dayniile ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Rag ka tirsan AL Shabaab ay soo buuxdhaafiyeen gudaha degmadaasi. 

Daahir Xasan Xuseen Guddoomiyaha degmada Dayniile ee Dowladda oo shir jaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in Xaafado ka mid ah degmadaasi ay kusoo laabteen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo hubaysan. 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Maamulka degmada ay ka war hayaan guud ahaan dhaq dhaqaaqyada ay sameynayaan Kooxahaasi, hase ahaatee ay dagsan yihiin qorsho abaabulan oo looga hortagayo dhibaatooyinka laga cabsi qabo inay maleegaan Kooxahaasi. 

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sheegay  Guddoomiyaha in lagama maarmaan ay tahay inay isla shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo shcabka  islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago waxa uu ugu yeeray Aargigixisada oo uu ula jeeday Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay gaystaan Kooxo aan la aqoon cidda ay ka amar qaataan, iyadoo Saraakiisha Ciidamada dowladda ay ballan qaadeen inay tallaabo kaa qadayaan Kooxahaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter