Baladweyne: (Sh.M.Network) Ciidamo Jabuutiyaan oo hor leh ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uuu faah faahin ka bixiyay Ciidamo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa AMISOM oo maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Axmed Inji ayaa waxa uu xaqiijiyay in Ciidamo Jabuutiyaan ah oo aad u tiro badan oo wata Gawaarida Gaashaaman maanta mar kale magaaladaasi ay soo gaareen, islamarkaana ay yihiin Racii labaad oo ka socda Jabuuti oo gaara Magaalada Baladweyne.
Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta Ciidamo Jabuutiyaan oo hor leh loo gaarsiiyay Magaaladaasi ay tahay inay xaqiijiyaan ammaanka gobolkaasi, islamarkaana ay wada shaqeyn la yeeshaan Maamulka gobolka sida uu hadalka u dhigay.
Horey ayaa Magaalada Baladweyne waxaa ugu sugnaa Ciidamo Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah kuwa AMISOM, iyadoo u jeedka Ciidamadaani la sheegay inay tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Magaaladaasi oo mararka qaar ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay gaystaan Kooxo aan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin.























Comments are closed.