Hobyo: (Sh.M.Network) — Iska horimaad qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ilaalo u ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad waxa uu ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu bilowday kaddib markii Maleeshiyaad hubaysan ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan Dad Cadaan ah oo cabar ka hayay Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyadoo halkaasi ay ka dhacday isrsaaseyn socotay muddo saacado ah.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ku aaddan iska horimaadkaasi, inkastoo iminka lagu soo waramyo in xaaladdu ay tahay mid degan islamarkaana Ciidamada Maamulkaasi ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.