Boosaaso: (Sh. M. Network) Kullankaani oo ay maanta Saraakiil ka tirsan Ciidamada NATO iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka Bari ay ku yeesheen Xeebta gobolkaasi ayaa waxa ay kaga hadleen sidii Ciidamadaasi iyo kuwa Maamulka Puntand ay hal meel ugu soo jeesan lahaayeen Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Mid ka mid ah Nabadoonnad ka qeyb galay kullankaasi oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in kullankooda lagu fallan qeeyay qaabkii burcad badeeda looga sifeyn lahaa Xeebaha Puntland, waxaana uu carabka ku dhuftay in Ciidamada NATO ay u xil saareen in burcad badeeda ay kala dagaalamaan bariga, iyaguna ay ballan qaadeen inay kala dagaalamayaan Xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa xusay in Saraakiisha NATO ee kullanka la qaadatay ay ka cosadeen in Ciidamadaasi ay garab ku siiyaan Puntland la dagaalanka kooxaha burcad badeeda, iyagoo ka caawinaya tababaridda Ciidamada dhisan oo ka hortaga Kooxahaasi.
Ciidamada NATO ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa marar badan howlgallo ka fuliyay deegaannada Maamulka Puntland, iyagoo howlgalladaasi ku furtay Muwaadiniin badan iyo Maraakiib ay gacanta ku hayeen Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.























Comments are closed.