Kismaayo: (Sh.M.Network) — Ciidamada Kenya ayaa ka hor istaagay Kaluumeysatada ku dhaqan Xeebaha Magaalada Kismaayo inay ka jalaabtaan.
Mid ka mid ah Kaluumeysatada ku dhaqan Magaaladaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya gabi ahaamba ay xannibeen ka kaluumaysiga Biyaha dhaca Xeebta Magaalada oo ay tibaaxeen in illaa iyo amar dambe aan la isticmaali karin.
Sidoo kale Kaluumaysatada ayaa waxa ay sheegeen in Maraakiib dagaal ay ku sugan yihiin Xeebaha Magaalada Kismaayo kuwaasi oo uu carabka ku dhuftay inay guranayaan qeyraadka Badda, sidoo kalena ay xiran yihiin dhamaan dhaq dhaqaaqii dekadda Magaalada tan iyo markii ay Magaaladaasi la wareegeen Ciidamada huwanta ah.
“ Cid dhaq dhaqaaq sameyn karta maleh, dhibaato ayaan ku qabnaa xaqiiqdii, waayo dhaqaaq kama jiro dekadda, waxaad mooda in annaga noola diiday Kaluumaysiga, Maraakiibta shisheeyana ay iska guranayaan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Kaluumeysatada.
Lama oga u jeedka laga leeyahay arrinkaani, hase ahaatee waxaa xusid mudan in dad badan oo Reer Kismaayo ah ay Noloshooda ku tiirsaneyd Kaluumeysiga Kheyraadka Badda laga helo, iyadoo illaa iyo iminka aan jirin Mas’uul ka tirsan Dowladda oo dhibaatooyinkaasi ka hadlay.























Comments are closed.