Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanno ka tirsan Somaliya

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Diif: (Sh. M. Network) Ciidamo badan oo Kenyan ah ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaanno u dhaxeeya Xadka ay wadagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya. 

Wararka ka imaanaya deegaanka Diif  oo ah Xadka u dhaxeeya Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaankaasi oo muddooyinkii dambe ay howlgallo ka wadeen Ciidamada Kenya. 

Dad deegaanka ah ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamo badan oo Kenya ah islamarkaana si aad ah  hubaysnaa ay isaga baxeen deegaanka Diif, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa arrimahaani. 

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay gaareen deegaanka Diif oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan, iyadoo iminka ay jirto xiisado dagaal islamarkaana mar waliba la fillan karo dagaal ka dhaca gudaha deegaankaasi iyo duleedyadeeda.

 Inkastoo Ciidamada ka tirsan Kenya ay isaga baxeen deegaanka Diif ayaa haddana waxaa xusid mudan in Ciidamo ka mid ah  Dowladda Kenya ay ku sugan yihiin gobolada Jubbooyinka kuwaasi oo wada howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter