Ciidamada Kenya oo dad rayid ahaa ku dilay Jubbooyinka

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Jannay-Cabdalla: (Sh.M.Network) Ciidamada Kenya ayaa maanta dad rayid ah ku dilay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose. 

Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, Ciidamada Kenya ayaa maanta dad rayid ah ku dilay deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose. 

7-ruux oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay rasaas bareer ah oo ay Ciidamada Kenya oo wata Gawaarida dagaalka ay ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose kuwaasi oo la sheegay inay u badnaayeen ganacsato. 

Goobjoogayaasha ayaa u sheegay Shabelle in arrintaani ay ka dambeysay kaddib markii Ciidamada Kenya ay dadkaasi kaga shakiyeen inay yihiin Al Shabaab, taasina ay keentay in raasaas ay oodda kaga qaadaan. 

Wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ku aaddan dhacdadaani.

Dhawaan ayaa  Warbixin kasoo baxady Qaramada Midoobay lagu sheegay in Dowladda Kenya ay isticmaalo awood ka baxsan midda AMISOM, maadaama la sheegay in Maraakiibtoodu ay duqeymo la dhacaan Magaalada Kismaayo ee  Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter